Adama Barroow oo xilka loo dhaariyay iyo militariga Senegal oo gudaha u gallay Gambia

0
157

Gambia(INO) – Madaxweynaha cusub ee dalla Gambia, Adama Barrow ayaa lagu dhaariyay safaarada Gambia ku leedahay magaalada Dakar ee Senegal.

Mr. Barrow ayaa khudbad uu jeediyey dhaartiisa kadib waxaa uu ka codsaday urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS iyo Qaramada Midoobay inay taageeraan waxa ay doonayaan dadka reer Gambia, ayna gacan ka geystaan sidii dalkaas loogu soo celin lahaa dimoqraadiyada.

Ciidamada Gambia ayuu ugu baaqay in ay joogaan xeryahooda, waxaana uu sheegay kuwa aan joogin xerayaha loo arki doono mucaarad.

Madaxweynihii hore ee Gambia Yahye Jammeh ayaa diiday inuu xilka ka dego ka dib markii looga guulaystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas dabayaaqadii sanadkii hore.

Ugu danbeyntii, ciidamada galbeedka Africa ayaa haatan soo buuxinaya  soohdinta dalkaas, wararka qaarna waxay tibaaxayaan in guuto ciidanka Senegal ka tirsan ay galeen dalka Gambia, waxaana la socda ciidamo ka tirsan Gambia oo taageeraya madaxweynaha cusub,sida ay faafiyeen wakaalada wararka caalamka qaarkood.