Abu Cabdalla”Waxaa naga go’aan ah inaan iska celino cid walba oo isku dayda inay na Qaybiso”

0
180

Marka(INO) — Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sh. Maxamad Abu-cabdalla ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ugu baaqay Al-shabaab iyo dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan inay ilaaliyaan midnimadooda, isagoo xusay inay iska qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay Al-shabaab kala qaybiso.

Sh. Abuu-cabdalla ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad lagu furayay kulan diimeed ka furmay Gobolka Sh/Hoose; taasoo la sheegay in looga hadli doono midnimada iyo sidoo loo ilaalin lahaa isku-xirnaanta Al-shabaab.

“Cid waliba oo ku xad-gudubta midnimadeenna ama doonaysa inay Al-shabaab dhexdeeda buuq ka furaan… wallaahi hal far baan ka nahay, waana iska celin doonaa. Arintaasna waa go’aan cad oo Al-shabaab ay gaartay. midnimada iyo calanka mujaahidiintu maanta waa hal, hoggaamiye qura ayayna leeyihiin, qof walba oo doonaya inuu kala jabiyana ka yeeli mayno,” ayuu yiri Sheekh Abuu-cabdalla oo hadalladiisa raaciyay dhaar.

Sidoo kale, Abu-cabdalla ayaa sheegay in mujaahidiinta Somalia [Al-shabaab] ay yihiin dad isku duuban oo aan marna ogolaan doonin in la kala qaybiyo, aysana Soomaaliya ka shaqeyn doonin calamo kala duwan.

“Maanta ciddii lasoo is-taagta oo yiraahda anigu meel kale ayaan ka tirsanahay, meeshaad ka tirsan tahay aad – anigu calan kale ayaan wataa iyo wixii la mid ah ma aqbali doono. Annaga go’aankeenna waa mid, halkaan u socono iyo hadafka aan leennahayna waa mid cad, khilaafo islaami ah ayaan u soconaa, xilligeeda iyo waqtigeeda ayaanan gaari doonaa; marka ninkii yiraahdo aniga calan kale ayaan wataa ama jabhad kale ayaan ka tirsanahay, ma ahan kuwo ka shaqeyn kara halkan [Somalia],” ayuu hadalkiisa daba-dhigay Sheekh Maxamed Abu-C/lla.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale sheegay in la iska hor-leexin doono ruux waliba oo ka horyimaada safka mujaahidiinta, isla markaana doonaya inuu kala jabiyo Xarakada Al-shabaab, wuxuu doono ha noqdee.

Dhanka kale, Sh. Abuu-Cabdalla ayaa Al-shabaab ku boorriyay inay ilaaliyaan safka ama midnimada Al-shabaab, ayna ogaadaan hadafka loo dagaallamayo inuu yahay kor-yeelidda kalimada ALLE, wuxuuna ku boorriyay inay kala qaybinta iyo tafaraaruqa ka fogaadaan.

Ugu dambeyn, hadalka Sh. Maxamed Abuu-cabdalla ayaa imaanaya todobaadyo kaddib markii afayeenka Al-shabaab, Sh. Cali Dheere uu sheegay in ciddii isku dayda inay kala jabiso Al-shabaab ay gacamaha qaban doonaan.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here