Muqdisho (INO) Ku dhawaad labo kun oo ardey Soomaali ah ayaa la soo sheegaya inay waayeen waxbarashadii ay ku heysteen dalka Turkiga,markii af-gambi fashilmay uu dhammaadkii toddobadkii hore ka dhacay dalkaas.
Waxa ugu weyn ee sababta u ah ardeyda waxbarashada inay waayaan,waxaa lugu sheegay markii xukuumadda Soomaaliya shaqada ka joojisey shirkadda Nile oo mas’uuliyiinteeda lagu eedeeyey inay ku lug-lahaayeen afgambigii fashilmay dhowaan.
Hay’adda Nile ayaa gacanta ku haysay labo kun oo ardey,kuwaaso deeq waxbarasho ka heshay dalka Turkiga,lakin hay’adda ayaa hadda u muuqata in la tir-tiri doono markii mas’uuliyiinta ugu sarreysa lugu helay inay maleegeen af-gambi dalkaas ka dhacay.
Guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed Cabdullaahi Xaashi, ayaa xaqiijiyey in inkabadan 2,000 oo arday Soomaaliyeed ah lagu amray inay guryihii iyo goobihii waxbarashada ka huleelaan ayna la-wareegtey dowladda dalkaasi.
Wuxuu xusay in hadda ardaydu ay ku maqnaayeen fasax kaddibna aysan soo laaban maaddama shirkaddii maamullaysay shaqadii laga joojiyey, isagoona xusay in safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi aysan wax tallaabo ah wali qaadin.
Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqdey go’aan ay dalka uga baxayso hay’adda Nile ayaa sheegtay inay sidoodii ku socon doonan dhamman shaqooyinka ay hay’addu heysay,kuwaado ay ka faa’ideysan jireen Soomaalida.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.