Khasaare Ka Dhashay Dab Ka Kacay Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho.

0
254

Dekadda weyn ee magaalladda Muqdisho  waxaa fiidnimaddii xalay  ka kacay dab xoogan, kaasi oo geytay khasaare kala duwan,waxaana sida warku sheegayo dabkaasi uu ka kacay sigaar lagu dhex tuuray gaari xamuul oo rar waday kuna sugnaa dekedda dhexdeeda sidaana waxaa warbaahinta u sheegay Goobjoogayaal  ku sugnaa Dekedda weyn ee muqdisho xilligii uu dabku kacay. Dikadda Muqdisho Goobjoogayaashaasi  waxay uu intaasi ku dareen  in uu dabku khasaaro u geystay Gaariga  xamuulka oo noociisu ahaa Toyoto Hilux (Xaajiyo Khamsiin) iyo badeecaddii saarnayd.,sidoo kalena ugu yaraan hal ruux uu dabkaasi ku dhaawacmay kaasi oo loola cararay Isbitaalka. Sida warku sheegayo Gurmad xoog leh ayaa loo galay daminta dabkaasi , iyadoo gaadiidka dab damisku ay  ka qeyb galeen daminta dabkaasi oo sida lasheegay markii dambe lagu guuleystay in la damiyo. Maareeyaha Dekedda Muqdisho, C/llaahi  Cali Nuur ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii isku howlay daminta dabkaasi oo sidoo kale ay shaqaalaha dekedda ku sugnaa iyana gacan ka geysteen sidii loo damin lahaa dabkaasi cabsi galiyey  doonyihii iyo maraakiibtii dekedda ku xirnaa kuwaas oo sida lasheegay qaarkood ay baroosinka furteen si ay uga badbaadaan dabkaasi. Idale News Online, Muqdisho.