Ururka Daryeel oo qeybo ka mid ah degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ka hirgaliyey Isbitaal iyo Dugsiyo waxbarasho

0
301

Ururka hormarinta arimaha Bini-aadanimadda ee DARYEEL HUMANTERIAN & DEVELOPMENT ORG, (DHADO) ayaa mashruucyo aad u qiimo badan oo nuuci ugu horeeyay ah ka fulinaya xiligan gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmadda Wanle –Wayn Degaanka HAAKOOW, mashruucan ayaa ah mid lagu dhisayo iskuul & goob caafimaad oo loogu talla gallay in loogu addeego Shacabka ku dhaqan Degaanka HAAKOOW.

Uurka ayaa mashruucyo aad u qiimo badan oo nuuci ugu horeeyay ah ka fulinaya xiligan gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmadda Wanle –Wayn Tuulladda HAAKOOW,mashruucan ayaa ah mid lagu dhisayo iskuul & goob caafimaad oo loogu talla gallay in loogu addeego Shacabka ku dhaqan tuulladda HAAKOOW.

asad

hAAKOW6 HAAKOW5 hAAKO4 Haakow3 Haakow2 Haakow

mashruucan fulintiisa ayaa waxaa door wayn ka qaatay jaaliyaddaha  beesha Hubeer ee Wadamadda Sweden, Norway & UK, Jaaliyadahan ayaa waxaa ay soo kala wakiisheen Mudane Yaasiin Maxamed Maxamed Cismaan oo isaga wakiil ka ahaa Jaaliyadda Beesha Hubeer Wadanka UK & Mr Mustaf Sheeq Axmed Maxamed oo isagana wakiil buuxa ka ahaa Jaaliyadda Dalka Sweden.

“Anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada aan wakiilka ka ahay ee dalka Sweden waxaan halkaan ka cadeeynayaa oo aan u marinayaa media yaha Jaaliyadda iisoo wakiilatay u sheegayaa in mashruucan uu bilowday, waxaa jira tuulooyin badan oo ka tirsan Degmaddan Wanle Wayn aan kusoo wareegnay kuligood baahi badan ayaa ka jirta, balse tuuladan ayaan ka bilownay, tuulladdan waxaa ku nool in ka badan Hal milyan oo qoys oo boqolkiiba todobaatan ay caruur yihiin, sidaa darteed waxaan go,aan sanay anagoo kaashanayna ururka DHADO inaan dhisno Goob Caafimaad & Iskuul oo ay wax ku bartaan Caruurta” sidaa waxaa yiri Mr Mustaf oo isaga wakiil ka ahaa jaaliyada Dalka Sweden, waxa uuna ka codsaday jaaliyada Sweden in ay sii wado mashruucan jiritaankiisa si loo bad baadiyo Shacabka tiradda badan ee la sika illaabay ee ku dhaqan tuulooyinkaasi.

sidoo kale waxaa isagana mahad celin ballaaran u jeediyay Jaaliyada UK Mudane yaasiin oo hadallo qiimo leh ka jeediyay Goobta dhismaha uu ka socdo ee HAAKOOW, “ugu horeyn waxaan u hambalyeynayaa Jaaliyadda UK oo mashruucan qiimaha badan gacanta ka geeysatay iyadoo kaashanaysa ururka DHADO, waxaan u sheegayaa in si rasmi ah u bilowday Mashruucan oo ay ka faaidaysan doonaan Dadka deegaanka oo tiro aad u badan ah population ahaan, waxaana ka codsanayaa in uu noqdo mid hore usii socdo, ” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Mudane Yaasiin oo wakiil ka ahaa jaaliyadda Dalka UK.

sidoo kale waxaa goobtaasi mahad celin balaaran ka jeediyay dhamaan odayaasha & Culumaau diinka Degaankaasi waxa ayna mahad celin balaaran u jeediyeen Jaaliyadaha isku soo xilqaamay in ay caawiyaan dadkan la illaabay ee ku dhaqan Sh/hoose waxa ayna codsadeen in la balaariyo si loo bad baadiyo bulshadda ku dhaqan tuulooyinkaasi.

degmadda Wanle Wayn oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa ka mid ah degmooyin ay ku nool yihiin shacab aad u fara badan hase yeeshee waxaa jirta in addeegyada nuucan oo kale ah in aysan ku badnayn oo aad arkayso hadii aad ku wareegto in ay dhif & naadir ku yihiin ama aysanba lahayn addeegyo bulsho sida iskuul ama goob caafimaad, tasoo halis galinkarta nolosha bulshadda ku dhaqan Degaanadaasi, balse hadii ay mashruucyadda sidan oo kale ah lasii joogteeyo waxaa hubaal ah in ay tuulooyinkaasi ka soo baxayaan bulsho caafimaad qabta islamarkaana waxbartay waa hadii ay iska kaashadaan jaaliyadaha &
dadka kasoo jeeda Degaanka.